Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Muuqaal dhowaan lagu baahiyay barta Aqalka Cad ku leeyahay TikTok ayaa waxaa la dul saaray hees Soomaali ah, tani waxay si weyn falcelin ugu abuurtay baraha bulshada iyadoo dadku is weydiinayeen sababta Aqalka Cad u adeegsaday heestan Soomaaliga ah.
Lama raacin muuqaalka faallo ku saabsan heesta laakiin waxaa ciwaan looga dhigay muuqaalka, “Ma waxaad leedahay dowladda ayaa loo xiray arrimo la xiriira muhaajiriinta aan sharciyeysnayn?”.
Dowladda Mareykanka ayaa shaqadeedu istaagtay dhowaan kadib markii labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ay ku guul-darreysteen inay isla meel dhigaan oo ansixiyaan sharci maaliyadeed lagu sii wadi lahaa maalgelinta adeegyada dowladda bisha Oktoobar iyo wixii ka dambeeya.
Sawirrada la saaray heesta ayaa ah qaar ka mida xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee ka kala tirsan Aqalka Kongareeska iyo Senate-ka.
Sidoo kale waxaa sawirrada muuqaalka ee heestan la dulsaaray ku jirta muhaajiriin dhowr qof ah oo tallaabaya darbiga xadka Maraykanka tii oo la ogyahay in maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah soo galootiga.