Iskuulka Waxarcade Degmada Hilwaa Oo Xariga laga jarey

0
20

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarigga uga jaray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waxaracadde, oo dib loo dhisay kaddib burburkii dalka, isla markaana hadda dib u billaabaya adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Hoose ee Muqdisho ee lagu horumarinayo waxbarashada bilaashka ah iyo dib-u-soo-nooleynta goobihii waxbarasho ee burburay muddadii dagaallada sokeeye.

Munaasabadda xarig-ka-jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin heerar kala duwan oo ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir, Wakiillo metelayay bahda waxbarashada iyo bulshada deegaanka Gudoomiayaha Degmada Hilwaa Cabdifatax Mahamed Xareed ayaa xusey in Bulshada ay baahi weyn u qabeen Iskuulkan

Warkung waliba nig haaye Abdygaadir Mahamed Nor War’edy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here