Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulka qaranka Aljeeriya ayaa u soo baxay koobka adduunka 2026 ee lagu qabanayo Maraykanka, Mexico, iyo Canada, ka dib markii ay khamiistii xaqiijiyeen kaalinta koowaad ee guruubkooda isreebreebka qaaradda Afrika, taasoo ka dhigan markii shanaad ee ay ka qaybgasho koobka adduunka.
Ciyaartii ay khamiistii la ciyaartay Soomaaliya, ayaa Aljeeriya waxa ay ku guulaysatay sidii ay doonaysay, kadib markii ay 3-0 kaga badisay Soomaaliya oo ku soo baxday kaalinta ugu hoosaysa guruubkeeda, ciyaar ka dhacday magaalada Oran.
Garoonka Miloud Hadefi ee magaalada Oran oo ay fadhiyeen ilaa 40,000 oo daawadayaal ah, ayaa kabtan Riyad Mahrez oo ah xiddiga kooxda Al-Ahly ee Sacuudiga, horena ugu soo cayaaray kooxaha Manchester City iyo Leicester wuxuu guul ku hogaamiyay xulkiisa dalkiisa, isagoo dhigay goolkii 1aad iyo 3aad ee kooxdiisa oo labadaba uu dhaliyey Mohamed Amoura daqiiqadihii 6 iyo 58, wuxuuna dhaliyay goolkii labaad daqiiqadii19aad.
Shaxda kooxdaas oo ku magac dheer The Desert Foxes ee uu ku dhawaaqay tababaraha Bosnia Vladimir Petkovic ayaa waxaa ka mid ahaa in loo yeeray gool haye Luca Zidane oo u cayaara Granada CF. Luca waa wiilka uu dhalay xiddigii xulka qaranka Faransiiska Zinedine Zidane, waxaana loo yeeray markii ugu horeysay tan iyo markii uu go’aansaday inuu beddelo dalka uu cayaaraha ku matali karo.








