Lamine Yamal Oo Magacaabay Kooxaha Ugu Cadcad Ku Guuleysiga Champions League Xilli Ciyaareed Kaan

0
12

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, ayaa shaaciyay hamigiisa ku aaddan xilli-ciyaareedka 2025-26, isaga oo sheegay inuu doonayo inuu horumariyo ciyaartiisa isla markaana caawiyo kooxdiisa si ay ugu tartanto dhammaan koobabkan

Inkasta oo aanu qeexin tiro sax ah oo goolal iyo caawin ah, Yamal waxa uu carrabka ku adkeeyay inuu rabbo inuu ka fiicnaado waxqabadkiisii hore, isagoo intaa ku daray:

Waxa ugu muhiimsan waa inaan saddexda dhibcood helno ciyaar kasta.”

Inkasta oo ay jiraan tartan adag oo uga imanaya kooxaha sida Real Madrid iyo Atletico Madrid oo si weyn isku xoojiyay, Yamal ayaa muujiyay kalsooni:

Labadooduba waa kooxo aad u adag, laakiin dhamaadka, haddii aan shaqadeena si fiican u qabanno, wax walba annaga ayay ku xirnaan doonaan.”

Marka laga hadlayo Champions League, Yamal ayaa magacaabay Manchester City, Liverpool, Bayern Munich, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain inay yihiin kuwa ugu cadcad, isaga oo xusuustay casharradii ay Barcelona ka baratay guuldarradii Inter Milan xilli-ciyaareedkii hore:

Champions League, khalad kasta oo aad samayso si qaali ah ayuu kuu saameynayaa. Waa inaad joogto noqotaa oo aadan marna lumin diiradda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here