Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababar ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur-Galbeed, qaybna ka ahaa taageerada mashruuca hay’adda World Vision, halka shirkadda Duunyo ay qaadatay hagista tababarka iyo bixinta qalabka dawooyinka, ayaa lagu soo gaba-gabeeyay degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool.
Tababarkan oo socday saddex maalmood ayaa,waxaa soo xiray Gudomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada Ceel-Barde Tababarkan ayaa waxaa lagu barayay dhaqaatirta iyo Xirfadlayaasha ka shaqeeya xanaanada xoolaha farsamooyinka casriga ah ee daryeelka iyo caafimaadka xoolaha. Waxaa ka soo qayb galay xirfadlayaal laga kala keenay deegaannada Yeed, Aato, iyo degmada Ceel-Barde.
Warkung Waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdylahi