Arsenal Oo Shaacisay Numberka Uu Victor Cyokeres U Xidhan Doono kooxda.

0
13
Screenshot

Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Arsenal ayaa xaqiijisay inay Viktor Gyokeres kala soo wareegtay Sporting Lisbon adduun dhan 63.5 milyan euro.

Xiddiga reer Sweden oo 27 jir ah, ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo ku kacaya ku dhawaad £300,000 todobaadkii.

Kaliya Bukayo Saka ayaa hadda Arsenal ka qaata lacag ka badan midka uu ka qaato wiilka cusub ee Emirates.

Gunners ayaa bixin doonta 54.8 milyan oo hore iyo 8.7 milyan oo guno ah.

“Waxaan mar walba rabaa inaan gool dhaliyo, si aan qeyb uga noqdo kooxdaan oo aan shabaqa u soo taabto”.

“Ma sugi karo in aan ciyaaro kulamada Waxay noqon doontaa dareen cajiib ah”.

Xiddiga cusub ee Gunners ayaa xiran doona funaanadda No14 oo ay kooxda u soo qaateen halyeeyo uu ka mid yahay Thierry Henry.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here