Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Magaalada Baraawe ee caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmahan la kulmeysay roobab culus oo si isdaba joog ah uga da’ay muddo saacado badan ah taasoo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka ku dhaqan magaalada gaar ahaan qoysaska ku jira xeryaha qaxootiga ee gudaha degmada.
Iyadoo laga duulayo xaaladdaas adag, maamulka degmada Baraawe ayaa kormeer guud ku sameeyay xeryaha qaxootiga ee ku yaalla magaalada Kormeerkan ayaa waxaa hogaaminayay Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Cabdullhi Maxamed iyadoo ay wehliyeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada.
Warkung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir