Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, kaas oo si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa waxaa looga hadlaya sida qaab-dhismeedka Dastuurka Federaalka uu u saameyn karo koboca dhaqaalaha, qeybsiga kheyraadka, maareynta dakhliga, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.
Warkung Waliba nig haaye Abdyraamang Mohamed Ahmed Oday