Bayer Leverkusen Oo Ka Jawaabtay Wararka Jeremie Frimpong La Xidhiidhinaya Liverpool.

0
5

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi)Bayer Leverkusen ayaa sheegtay inaysan ka warqabin doonista Liverpool ee saxiixa Jeremie Frimpong.

Liverpool ayaa 24 jirkan u aqoonsatay bartilmaameedka ugu sareeya ee ay ku badali karaan Trent Alexander-Arnold kaas oo ka tagaya si uu beeca xorta ah ugu biiro kooxda Real Madrid xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa u muuqda mid ku haboon nidaamka Arne Slot ee Liverpool isagoo door muhiim ah ka ciyaaray horyaalka iyo koobabka Leverkusen xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 12 gool iyo todoba caawin.

Frimpong, oo soo jiitay xiisaha Manchester United sannadkii hore, ayaa qandaraaskiisa Leverkusen lagu burburin karaa 35 milyan oo Euro.

Warar soo baxayay usbuucan ayaa sheegaya in Liverpool ay ku dhowdahay inay u dhaqaaqdo saxiixa Frimpong, si kastaba ha ahaatee, maamulaha Leverkusen, Fernando Carro, ayaa sheegay in kooxda Jarmalka ay mugdi ku jirto heshiis suurtagal ah.

“Jeremie Frimpong waxa uu nagula jiraa heshiis dheer, kaas oo sidoo kale leh qodob ka bixitaan ah, laakiin hadda ma ogin wax wareejin ah,” Carro ayaa u sheegay RTL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here