Mikel Arteta Oo Kashifay Sababtii Ka Dambaysay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Bournemouth.

0
7

Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi)  Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka xumaaday guuldaradii kooxdiisu ay u rogi weyday fursadahooda, ka dib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay Bournemouth sabtidii.

Declan Rice ayaa hogaanka u dhiibay Gunners qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin goolal ay kala dhaliyeen Dean Huijsen iyo Evanilson ayaa seddexda dhibcood u xaqiijiyay Cherries.

“Waxaan heysanay meelo badan oo waaweyn iyo fursado waa weyn oo aan gool ku dhalin karno, laakiin ma aanan sameynin,” Arteta ayaa yiri, isagoo la hadlayay Premier League Productions.

“Marka gool lagaaga dhaliyo kubado karoos ah way adagtahay in aad Hesho 3-da dhibcood”.

Markii la waydiiyay Sababta ay Bournemouth uga badisay Arsenal ayuu ku jawaabay” Sababta oo ah ma aanan dhamaystirin Fursadaha waxana aan luminay kubado bada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here