Xiddig Real Madrid Ah Oo 6 Kulan Lagu Ganaaxay.

0
11

Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Daafaca kooxda Real Madrid ee Antonio Rudiger ayaa lagu ganaaxay lix kulan kadib markii uu shay ku tuuray garsooraha kulankii finalka Copa Del Rey-ga ee ay guuldarada kala kulmeen Barcelona.

Rudiger iyo saaxiibkii Real ee Lucas Vazquez oo labadoodaba la bedelay ayaa kaadhka cas oo toos ah lagu taagay Seville ka dib markii ay si cadho leh uga falceliyeen qalad uu ku galay Kylian Mbappe wax yar ka hor dhamaadka ciyaarta.

Garsoore Ricardo de Burgos Bengoetxea ayaa warbixintiisa ku sheegay in daafaca dhexe ee Rudiger, oo 32 jir ah ciyaarta laga saaray kadib markii uu shay ku tuuray.

Warbixinta uu soo saaray xiriirka kubada cagta Spain ee (RFEF) ayaa lagu sheegay in daafaca reer Germany lagu ganaaxay 6 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here