Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi)Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha Kismaayo Real Estate iyo Galti Real Estate, ayaa kormeer ku tagay goobta ay shirkaduhu u qorsheeyeen hirgelinta guryaha casriga ah, kuwaas oo wajiga koowaad ka kooban 200 oo guri si qurux badan loo naqshadeeyey, iyo 300 oo boos oo la qorsheynayo in la dhiso.
Xaafaddan cusub oo lagu magacaabo Wadajir ayaa si buuxda u leh dhammaan goobihii loogu talagalay adeegyada bulshada, sida xarumo caafimaad, garoomo ciyaaro, saldhig boolis, iyo beero dalxiis oo aad u qurux badan.
Warkung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir