6 Tababare Oo Premier League Ku Guulaystay Xilli Ciyaareedkoodii Ugu Horeeyay.

0
42

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Tababare Arne Slot Iyo Liverpool ayaa ku sii dhawaanaya ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan.

Way yartahay in tababare ku guulaysto horyaalka premier League xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya.

Waxa jira dhawr tababare oo xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ku guulaystay koobka Premier League.

Alex Ferguson – Manchester United, 1992-93:

Tababaraha Halyeeyga Man United ayaa 6 xilli ciyaareed hogaaminayay Man United laakiin waxa uu ku hogaamiyay kooxda premier League xilli ciyaareedkii ugu horeeyay markii magac cusub ee premier League loo bixiyay tartanka.

José Mourinho – Chelsea, 2004-05:

Mourinho ayaa yimid Chelsea o aan ku guulaysan premier League tan ilaa 1954/1955 waxana uu noqday tababarihii ugu horeeyay ee ku guulaysta premier League xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya ee kubada England.

Carlo Ancelotti – Chelsea, 2009-10:

Xagaagii 2009, Ancelotti ayaa badalay Guus Hiddink oo ku meel-gaadh ka ahaa Chelsea waxana uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ku hogaamiyay kooxda Chelsea.

Manuel Pellegrini – Manchester City, 2013-14:

Kadib markii ay Man City gashay kaalinta 2-aad ee xilli ciyaareedka, City ayaa magacawday Manuel Pellegrini waxana uu kooxda ku hogaamiyay ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Claudio Ranieri – Leicester City, 2015-16:

Tan uma baahna in laga sheekeeyo, ku guulaysigii Leicester City ee premier League xilli ciyaareedkii 2015/2016 waxana uu Ranieri ku hogaamiyay kooxda ku guulaysiga premier League.

Antonio Conte – Chelsea, 2016-17:

Xagaagii 2016, indhaha adduunka ayaa hayay Pep Guardiola oo yimid Man City, laakiin Antonio Conte ayaa ahaa tababaraha xaday indhaha adduunka kadib markii uu Chelsea ku hogaamiyay koobka premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here