Shirweynaha Maalgashiga Caafimaadka Puntland Oo Garoowe ka Furmey

0
5

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa maanta furay Shirweynaha maalgelinta Caafimaadka ee Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka, isla markaasina ay kawada qeybgalayaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dowladda Puntland , Wakiillada ka socda Hay’adaha Caalamiga ee arrimaha Caafimaadka, Ganacsatada , Qurbojoogta iyo Bulshada.

Shirka oo socon doonna muddo labo maalmood ah waxaa lagu soo bandhigay horumarada dhinaca Caafimaadka laga sameeyay iyo shaqooyinka socda, sidoo kale waxaa lala wadaagay ka qeybgalayaasha soojeedimaha maalgelinta Caafimaadka Puntland, waana qorshe lagu hirgelinayo Adeeg Caafimaad oo casri ah oo looga maarmo dalka dibeddisa .

Warkung Waliba nig haaye Mohamed Aadan Wadani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here