Ruben Amorim Oo Xaqiijiyay Xiddig Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Lyon.

0
72

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi)Manchester United waxa ka maqnaan doona Joshua Zirkzee kulanka muhiimka ah ee khamiista ee lugta labaad ee sideed dhamaadka Europa League oo ay Old Trafford kula ciyaari doonaan Lyon.

Zirkzee ayaa ku soo bilawday guuldaradii foosha xumayd ee Premier League Axadii ka soo gaadhay Newcastle United laakiin waxa lagu qasbay in uu dhaawac uga boxo kulanka qaybtii dambe ee ciyaarta.

Laacibka reer Holland ayaa ku jiray safka si uu xoogaa nasiino ah u siiyo Rasmus Hojlund, kaasoo hadda noqon doona gooldhaliyaha kaliya ee kooxda kulanka soo socda.

“Josh, waxaan u maleynayaa inuu maqnaan doono ciyaaraha qaar,” Ruben Amorim ayaa u sheegay MUTV.

23 jirkaan ayaa dhaliyay todobo gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, kuwaas oo kaliya seddex ka mid ah ay yimaadeen Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here