Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Tartanka Gooldhalinta Champions League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo xiddigo badan wacdaro dhigayaan tartanka champions Legaue.
Xiddiga Barcelona ee Raphinha ayaa hogaaminaya tartanka Gooldhalinta Champions League xilli ciyaareedka ilaa haatan.
Raphinha ayaa dhaliyay 11 gool ilaa haatan waxana uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican taranka xilli ciyaareedka.
Waxa ku xiga xiddigaha Serhou Guirassy Iyo Harry Kane kuwaas oo dhaliyay min 10 gool tartanka champions League.
Waxa ku xiga xiddiga Robert Lewandowski kaas oo dhaliyay 9 gool halka uu ku xigo Erling Haaland kaas oo dhaliyay 8 gool.
- Raphinha (Barcelona) 11 Gool
- Harry Kane (Bayern Munich) 10 Gool
- Serhou Guirassy (Borussia Dortmund) 10 Gool
- Robert Lewandowski (Barcelona) 9 Gool
- Erling Haaland (Man City) 8 Gool