Erling Haaland Oo Rikoodh Waalli Ah U Dhigay Xulkiisa Norway

0
28

Baydhowy ( Raathiyow Arlaathi) Erling Haaland oo gaaray goolkiisii 40-aad ee xulkiisa Norway iyadoo weeraryahanka Man City uu noqday gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalada Yurub xilli uu ku jiro ‘xilli liita’

Erling Haaland ayaa dhaliyay goolkiisii 40-aad ee uu u dhaliyo xulka Norway, isagoo 41 kulan u saftay, taasoo ka dhigtay weeraryahanka Manchester City gooldhaliyaha ugu sareeya shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Haaland ayaa mar kale shabaqa soo taabtay kulankii ay Norway 4-2 kaga adkaatay Israel, isagoo horay goolal uga dhaliyay guushii 5-0 ee ay ka gaareen Moldova. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay weerarka xulkiisa, iyadoo kabtanka Arsenal Martin Ødegaard uu caawiye ka noqday saddex gool, oo ay ka mid yihiin kubbad uu u dhigay Haaland iyo xiddiga Atletico Madrid Alexander Sørloth.

Haaland wuxuu haatan leeyahay 38 gool iyo 5 caawin 46 kulan uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigtay ciyaaryahanka ugu goolasha badan koox iyo xulba shanta horyaal ee ugu sarreeya Yurub. Taageerayaasha Manchester City ayaa baraha bulshada ku amaanay weeraryahanka reer Norway, ka dib markii uu gaaray rikoodhkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here