Sababta Ayna Man United Ugu Dhaqaaqin Saxiixa Geovany Quenda Oo La Ogaaday.

0
6

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Manchester United ayaan isku dayin rasmi ah oo ay kula tartanto Chelsea saxiixa xiddiga Sporting Lisbson Geovany Quenda, kaasoo ogolaaday inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Chelsea.

Chelsea ayaa ogolaatay heshiis 41 milyan ah oo ay kula soo wareegayso xiddiga waxana uu amaah ku sii joogi doonaa kooxdiisa ilaa xagaaga 2026.

Waa da’yarkii ugu dambeeyay ee ay Chelsea la soo saxiixato iyada oo kooxdu soo uruursanayso xiddigaha da’yarka h.

Quenda ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay Sporting iyada oo kooxda hogaaminayay tababaraha Man United ee Ruben Amorim.

Ka dib markii Amorim uu u dhaqaaqay Manchester bishii November ee la soo dhaafay, waxaa si weyn loo sheegay in tababaraha United uu doonayo inuu Quenda keeno Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Quenda si kastaba ha ahaatee waxa uu ku wajahan yahay Chelsea iyadoo haatan ay soo baxayso United waligood wax dalab ah u gudbin xiddiga reer Portugal.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, United waxay la kulantay wakiilka Jorge Mendes bishii November ee la soo dhaafay ay ugala hadasho xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wadahadalada ayaan dhaafin waydiintaas iyada oo United doonaysay xiddiga Patrick Dorgu oo haatan ku biiray kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here