Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan hannaanka ay labada dhinac ku wada shaqeyn doonaan, kaasoo qeexaya habka ugu fudud, hufan, uguna waxtarka badan ee gargaarka lagu gaarsiin karo dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay is-beddelka cimilada.
Hannaankan ayaa diiradda saaraya sidii loo xoojin lahaa dadaallada la xariira howlgallada bani’aadannimo, loo fududeyn lahaa in deeqaha iyo taageeradu si sahlan u gaarto dadka nugul iyadoo la tixgelinayo baahiyaha gaarka ah ee bulshada iyo xaaladaha kala duwan ee ay ku jiraan.
Dr. Ismaaciil Jimcaale, ayaa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), u saxiixay heshiiska, halka Eng. Daa’uud H. Maxamuud uu qalinka ugu duugay dhinaca Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.