Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Maanta ku soo xiray Dagmada Doolow shir socday muddo seddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay xal u helidda shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Shirkan waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Labada Gole ee Dawladda Jubaland, Maamulka Gobolka, Maamulka Degmada Doolow, iyo Odayaasha Dhaqanka, Ujeedka kulanka ayaa ahaa in la xoojiyo dadaallada nabadeed iyo in la helo heshiis waara oo lagu soo afjarayo khilaafaadka ka jira Degmada Luuq.
Warkung Waliba nig haaye Mohamed Aadan Wadani