Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Erling Haaland ayaa ku jira kooxda Manchester City kulanka Champions League ee ay u safrayaan Real Madrid inkastoo walaac laga qabo taam ahaanshihiisa isbuucaan.
Kooxda Pep Guardiola ayaa ku qasban inay wax ka beddesho qaab ciyaareedkeeda kadib markii ay guuldaro 3/2 ah kala kuleen Real Madrid.
Iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ayna fursad weyn u haysan in ay badiso kulanka meesha lagama saari karo fursad ay ugu soo bixi karto wareega xiga.
Guardiola ayaa soo jeediyay Haaland inuu ka fogaaday dhaawac halis ah, isagoo walaac ku abuuray markii uu jilibka qabtay ka dib markii uu si xun u dhacay kulankii ugu dambeeyay.
Kevin De Bruyne ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo ka dib markii la nasiyay sabtidii, inkastoo Manuel Akanji, Rodri iyo Oscar Bobb ay dhaawacanyihiin.
Ruben Dias, Jack Grealish iyo Nathan Ake ayaa sidoo kale ku Jira liiska.
Shaxda ay Man City Kaga Hor Tagi Karto Real Madrid.
Ederson; Nunes, Dias, Stones, Gvardiol; Gonzalez, Kovacic; Savinho, Foden, Haaland, Marmoush