Waa Maxay Sababta Uuna Slot U Qaban Shirkii Ka Dambeeyay Kulankii Everton.

0
24

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Liverpool ma aysan qaban shir jaraa’id ka dib ciyaartii arbacadii ee Merseyside derby ee Everton ka dib markii tababare Arne Slot iyo caawiye Sipke Hulshoff ay labaduba casaan qaateen ka dib dhamaadkii ciyaarta.

Garsoore Michael Oliver ayaa kaarka cas oo toos ah u taagay slot iyo waliba caawiyihiisa kaasoo daba socday kulankii ugu dambeeyay ee labada kooxood ku dhex maray garoonka Goodison Park, kaasoo ku dhamaaday barbaro 2-2 ah.

Ciyaartu markii ay dhamaatay waxa ay keemtay in ay isku dhacaan xiddigaha labada kooxood iyada oo ay sabab u ahayd muran ka dhashay Goolkii bar-baraha ee ay dhalisay Everton.

Ciyaarta ka dib markii la ceyriyay Slot iyo Hulshoff waxay la macno tahay inaysan Liverpool qaban shirkii ka dambeeyay ciuaarta iyadoo sharciga Premier League ee hadda jira uu u diidayo inay ka qayb qaataan.

Sida ku cad ESPN, hab adag ayaa lagu soo rogay bilawga xilli ciyaareedka sare ee 2023/24 iyadoo la sheegayo in tababarha casaanka loo taago in ayna ka qayb gali karin shirka ciyaarta kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here