Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa manta si rasmi ah uga furmey Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
Shirka oo ay ka soo qeyb galeen 320 Ergo oo ka kala socda Maamulada Dalka,Gobolka Banaadir iyo wakiillo matalaya 12-ka urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah, ayaa maalmaha uu socda looga arrisan doonaa difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo madal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimoqraadiyadeed ee gudaha, laguna adkaynayo midnimada shaqaalaha, la dagaallanka caddaalad-darrada.
Warkung waliba nig haaye Mahamed Aadan Wadani