Ruben Amorim Oo Walaac Ka Muujiyay Guushii Kooxdiisu Ka Gaadhay Leicester City

0
18

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa qirtay inay niyad jab ka qaadeen ciyaartii FA Cup-ka ee habeenkii Jimcaha ay ka badiyeen Leicester City.

United ayaa 2-1 ku badisay iyadoo Harry Maguire uu madax u dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada.

Amorim ayaa yiri ka dib, “Waxay ahayd inaan rumayno ilaa dhamaadka, laakiin ciyaartaan wax shaqo ah kuma lahan waqtigii Fergie, waxaan qabaa qaab ciyaareedka, waa inaan kubad fiican ku sameynaa, kubada la’aanteed”.

“Bilawgii wax tamar ah maanu lahayn gaar ahaan qaybtii hore,kadib qaybtii danbe ee ciyaarta ayaan si fiican u ciyaarnay”.

“Tababaraha ayaa ah masuulka ugu horeeya, marka kooxi aysan soo bandhigin wax horumar ah, aysan horumar sameyn, waa macalinka laakiin waxaan halkaan u joognaa inaan wax sameyno oo aan aragno ciyaarta, inaan darso ciyaarta oo aan isku dayno inaan horumar sameyno kulanka soo socda”.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay waxyaabaha yaryar, haddii aad aragto ciyaaraha mararka qaarkood waa inaad xakameyso kubada, inaad kubada haysato, kubada ha siinin cadaadiska ugu horeeya”.

“Waa waqti xaadirkaan, way adagtahay, gaar ahaan markaad gurigaaga joogtid waa in aad isku daydo in aad kabsato”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here