Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Gudoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed isxaaq xasan Carcase ayaa ku maamuusay shahaado sharaf howl-karnimo Iyo Shaqo wanaag ah saraakiisha amniga degmada berdaale iyo qaar ka mid ah howl wadeenada waaxda dowlada hoose ee degmada berdaale.
Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta degmada ayadoona ujeedku ahaa mid dhiirrigelin ah sidookalena loogu talagalay in lagu xuso guulaha laga gaarey amniga inta uu gudoomiye caracase dib ugu soo laabtay degmada berdaale ee gobolka baay ayaa waxa ka soo qeyb galay ciidinka, saraakiisa , booliska , iyo masuuliyiin kale.
Warkung Waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi