Taageerayaasha Chelsea Oo Dusha Ka Saaray Guuldarradii City Kasoo Gaartay Hal Xiddig

0
7

Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Taageerayaasha Blues ayaa caro ka muujiyay guuldaradii 3-1 ee ay kala kulmeen City.

Kooxda Chelsea ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii saddexaad kadib markii garabka garoonka ee England, Noni Madueke, uu ka faa’iideystay qalad uu sameeyay daafaca cusub ee City, Abdukodir Khusanov.

Si kastaba ha ahaatee, City ayaa barbareysay goolka kahor waqtigii nasashada iyadoo uu dhaliyay gool daafaca bidix ee City, Josko Gvardiol, ka hor inta uusan Erling Haaland ciyaarta ka dhigin 2-1 qeybtii labaad.

Phil Foden ayaa ka faa’iideystay khaladaadka daafac ee Chelsea si uu gool qurux badan  ugu hubsado shabaqa Robert Sanchez, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-1, asagoo u xaqiijiyay guusha kooxda Pep Guardiola.

Si kastaba ha ahaatee, qalad hore oo uu sameeyay Sanchez ayaa ka careysiisay taageerayaasha Chelsea – waxayna ugu baaqeen Maresca inuu beddelo goolhayaha kulanka xiga ee Blues.

Kahor goolka labaad ee ay dhalisay City, goolhayaha reer Spain wuxuu ka baxay goolka si uu u joojiyo kubad dheer oo uu soo tuuray goolhayaha City, Ederson.

Laakiin Sanchez ayaa dib ugu soo cararay goolka markii uu arkay in Haaland uu horey u gaari doono kubadda.

Goolhayaha Chelsea wuxuu ku haray meel cidlo ah, taasoo u ogolaatay Haaland inuu labo taabasho sameeyo kahor inta uusan kubadda dusha kaga laadin goolka Sanchez.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa qoray: “Maresca si joogto ah qalad uma sameeyo, laakiin marwalba waxaa khalad buuxa sameeya Sanchez.”

Taageere labaad ayaa yiri: “Ma aha keliya Khaladka Sanchez. Waa Maresca iyo agaasimayaasha isboortiga.”

Mid saddexaad ayaa weydiiyay: “Maxaa kaloo loo baahan yahay inuu Sanchez sameeyo intaa kabadan si meesha looga saaro?”

Mid afaraad ayaa yiri: “Taasi waxay u baahan tahay in Robert Sanchez la saaro. Su’aalo culus ayaa jira haddii Enzo Maresca uusan go’aankaas qaadan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here