Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Hay’adda Mardo oo kaashanaysa WFP iyo Maamulka Degmada Xuddur ayaa si rasmi ah u daahfuray Mashruuca Sookabashada Hore, Mashruucaan ayaa lagu fulin doonaa hawlaha FFA (Food for Assets), kaas oo diiradda saaraya horumarinta hantida bulshada iyada oo la adeegsanayo hawlo muruqmaal ah.
Mashruucaan waxa uu si rasmi ah u bilaaban doonaa bishaan Janaayo 2025, waxaana lagu soo gebagabeyn doonaa bisha May 2025. Waxaa ka faa’iideysan doona 908 qoys oo ku nool Degmada Xuddur, kuwaas oo bishiiba heli doona $80 oo kaalmo ah.
Warkung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir