Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kulanka ugu xiisaha badan premier League ayaa dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Tottenham kulan ka dhici doona Emirates.
Arsenal ayaa doonaysa in ay badiso kulanka si ay u soo yarayso dhibcaha ay ka dambayso hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool.
Dhinaca kale Tottenham ayaa doonaysa in ay joojiso kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada Woqooyiga Lonodn.
Arsenal ayaa badisay lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay wajahday Spurs (D1 L1) waxayna isha ku hayaan inay badiyaan seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay tan iyo January 1989 (oo ay ku jiraan shan kulan).
Tottenham ayaa badisay kaliya hal kulan 31-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda Arsenal (12 bar-baro iyo 18 guuldarro) waana guul la’aan 13 kulan tan iyo markii ay 3-2 ku badiyeen November 2010.
Ka dib guushoodii 1-0 ee bishii Sebtember, Arsenal ayaa isha ku heysa inay soo badiso laba kulan xilli ciyaareed markii 5-aad.
Tottenham ayaa laga dhaliyay ugu yaraan hal mar 25-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay marti ahaayeen Arsenal, tan iyo markii ay barbaro 0-0 ah galeen 1998-99.
Arsenal ayaan wax guuldaro ah la kulmin 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda horyaalka premier League 9-guul iyo 3 bar-baro ,waana kooxda kaliya ee aan wax guuldaro ah la kulmin garoonkeeda xilli ciyaareedkan (6 guul iyo 3 bar-baro).