Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Gary Neville ayaa sheegay in Liverpool ay haatan tahay kooxda ugu cad cad ee ku guulaysan karta Premier League wuxuuna Arsenal u arkaa tartanka ugu wayn.
Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 1-aad iyaga oo 4 dhibcood ka horeeya kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ka ka dib markii kooxda Arne Slot ay 6-3 ku garaacday Tottenham Axadii.
Kooxda horyaalka ku xifaaltama ee Reds ee Arsenal ayaa 5-1 ku xasuuqday Crystal Palace horaantii todobaadkan laakiin Chelsea oo ku jirtay kaalinta labaad kuwaas oo bar-baro la galay Everton.
Neville oo sheegay in ay chelsea wacdaro dhigtay xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu filayaa in Arsenal tahay kooxda Liverpool kula tartamaysa premier League.
Arsenal ayaa laba jeer ku dhawaatay ku guulaysiga premier League iyaga oo kula tartamay Man City Neville ayaana sheegay in ay mar kale ku tartami doonaan horyaalka.
“Liverpool sida iska cad waa kooxda ugu fiican premier League wakhtigan”ayuu Neville yidhi.
“Waa kuwa ugu cad cad horyaalka, bur-burka Man City waa mid lama filaan ah wax walbana way khaldameen”.
“Chelsea maanta kulan adag ayay ciyaartay laakiin si fiican ayay u shaqaynayaan oo xilli ciyaareed fiican ayay qaadanayaan”.
“Waxay ila tahay in kooxda Liverpool ay u baahan tahay inay iska eegto waa Arsenal”ayuu sii raaciyay.