Saxiixyada La Dhamaystiray Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

0
30

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Waxa si Rasmi ah u xidhmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga iyada oo kooxo badan dhamaystireen saxiixyo daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Kooxaha Arsenal iyo chelsea ayaa ahaa kooxaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan daqiiqadihii ugu dambeeyay iyaga oo dhamaystiray saxiixyo.

Arsenal ayaa amaah kula wareegtay xiddiga Raheem Sterling iyaga oo kala wareegay kooxda chelsea oo iska fasaxday xiddiga.

Dhinaca kale chelsea ayaa Sterling ku badashay xiddiga Jadon Sancho kaas oo ay kala wareegtay kooxda Man United.

Labada xiddig ayaa amaah ugu kala biiray kooxaha ay ku biireen iyaga oo ka baxsaday kooxohooda sabab la xidhiidha in aanay qorshe ku lahayn halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here