Pep Guardiola Oo Saadaaliyay Halka Ay Man United Kaga Dhamaysan Doonto Xilli Ciyaareedka.

0
42

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Pep Guardiola ayaa filaya in Manchester United iyo Chelsea ay ku xifaaltamaan kooxaha Manchester City, Arsenal iyo Liverpool si ay ugu soo baxaan afarta sare ee horyaalka Premier League.

Waxaa jira calaamado su’aal oo muhiim ah oo saaran United iyo Chelsea ka dib dhibaatadii xilli ciyaareedkii hore.

Man United ayaa ku dhamaysatay kaalinta 8-aad oo ah halkii ugu hoosaysay ee ay kaga dhamaysato horyaalka waxana la filayay in ay shaqada ka caydhiso Erik Ten Hag ka hor intii ayna garaacin Man City final-kii FA Cup-ka.

Chelsea ayaa sidoo kale seegtay boosaska Champions League, kaliya waxay ku dhameysatay kaalinta lixaad iyadoo uga mahadcelineysa qaab ciyaareed fiican oo soo daahay.

“Waa Bilawga xilli ciyaareedka, bartilmaameedka ugu horreeya waa in loo soo boxo champions League”ayuu Guardiola yidhi.

“Waan ogahay in ay Man United samaysay saxiixyo fiican waxana ay ka caawin doonaan in ay tartanto”.

“Chelsea waxa ay la soo saxiixatay xiddigo badan waxana ay leeyihiin tayo”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here