Hordhac: Chelsea Vs Man City

0
32

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier League ayaa dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Man City.

Labada kooxood ayaa ciyaari doona kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka waxana ay isha ku hayaan natiijo fiican.

Man City ayaa difaacashada horyaalka doonaysa in ay ku bilaabato guul isla markaas garaacdo chelsea.

Dhinaca kale chelsea oo soo qaadatay isku diyaarin liidata xilli ciyaareedka ayaa doonaysa in ay guul ku bilaabato xilli ciyaareedka.

Kulanka: Chelsea Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30

Garoonka: Stamford Bridge.

Chelsea ayaa guul la’aan ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man City tan ilaa guushii 2/1 ahayd ee ay ka gaadhay bishii May 2021.

Tan ilaa markii ay guuldaro kala kulantay final-kii champions League 2021, Man City ayaan guuldaro kala kulmin chelsea 9-kii kulan ee ugu dambaysay.

Chelsea ayaa ah kooxda dhibcaha ugu badan ka heshay kulamada fuirtaanka premier League iyaga oo helay 67 dhibcood.

Waa markii ugu horaysay ee ay chelsea xilli ciyaareedka ku bilaabato kulan ay la ciyaarayso kooxda difaacanaysa horyaalka tan ilaa 1971/172 markaas oo ay guuldaro 3/0 ah kala kulantay Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here