Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Kulankii Man City Garaacday Man United.

0
46

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay guushii kooxdiisu ka gaadhay Man United.

Man City ayaa rikoodhayaal kaga badisay kooxda Man United kulan ka tirsanaa Community Shield-ka.

“Waxaan maanta arkay waxyaabo badan oo aan jeclahay, 35-kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxay ahaayeen kuwo aad u fiican intii aan isla qaadanaynay, weli aad ayaan uga fognahay sida ugu fican, taasi waa wax iska caadi ah, waxaa fiican inaan hal koob ku guuleysano, laakiin xaqiiqadu waxba iskama bedelin”ayuu yidhi.

“Runtii si fiican ayaan udheelnay, dhamaadka kubada ma ahayn mid xasiloon xiddigaha labada kooxoodna waxa ay lumiyeen kubada dhaadheer”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here