Hordhac: Italy Vs Albania.

0
133

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xulka qaranka Italy ayaa bilaaban doona difaacashada Euro iyaga oo la ciyaari doona xulka Albania kulankoodii ugu horeeyay.

Italy oo ku guulaystay tartanka Euro 2020 ayaa la ciyaari doona xulka Albania kulan uu doonayo in badiyo kulanka.

Albania ayaa doonaysa in ay qarxiso lama filaan isla markaas garaacdo xulka difaacanaya tartanka.

Kulanka: Italy Vs Albania

Tartanka: Euro 2024

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Singal Iduna Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee tartan weyn dhexmara xulalka Italy Iyo Albana, iyada oo Italy badisay dhamaan kulamadii Hore ee ay la ciyaartay Albania saaxiibtiimooyinka.

Tani waa markii 11-aad ee uu xulka Italy ka qayb galo tartanka Euro-da kaliya Germany Iyo Spain ayaa ka badan ku guulaysiga tartanka.

Italy ayaa isku dayi doona in ay noqdaan xulkii 2-aad ee difaacda tartanka Euro-da kadib Spain oo sidaa samaysay 2008/2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here