Wasaarada Xanaanada Xoolaha KG Oo awaamiir ka soo saartey Hubinta Caafimaadka Xoolaha.

0
58

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Iyadoo Maalma kooban ay ka harsan tahay Maalmaha Ciidul Adxa oo kamid ah Ciidaha Muslimiinta ku weyn ayaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha KG soo saartey go,aano ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa Caafimaadka Xoolaha si Bulshada loogu ilaaliyo qatar Caafimaad iyo in Xoolaha la gowracayo ay ahaadaan kaliya kuwa Lab-ka ah.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha KG Sandheere Mahamed Iftiin oo Shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Baydhabo ayaa ku amrey Ganacsatada Xoolaha iyo Kambaniyada ka shaqeeya Udxiyada in ay isa soo diiwaan geliyaan si loo ogaado Caafimaadka iyo Tirada Xoolaha la gowracayo si loo marsiiyo habraaca ay wasaarada u dejisey,Isagoo xusey Cidii awaamiirtaas ka dhega adeegta ay talaaba sharci ah ka qaadi doonaan.

Warkung waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here