Wadooyin dayactir Lagu Sameynayo Oo Laga Dhagax dhigay Degmada Xudur.

0
71

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa dhagax-dhigey dayactirka 3-waddo oo muhiim u ah isku socodka Bulshada, oo maalgelinaya Hay’adda UNDP oo maamulka Degmada iyo wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed kala shaqeysa dib u dhiska & horumarinta adeegyada Bulshada.

Gudoomiyaha Degmada dhagax-dhigga waxaa ku wehlinaayey Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool, Gudoomiye kuxigeenka Degmada mudane Cali Xuseen Xasan, Gudoomiyaha Guddiga howlaha guud iyo dib u dhiska iyo xubno katirsan golaha deegaanka ee Degmada Xudur.

Warkung waliba nig haaye Mohamed Aadan Wadani