Maamulka Masjidka Xaramka oo beeniyey warar laga faafiyey Sheekh Cabdiraxmaan Al-Sudaysi

0
59

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Baraha bulshada waxaa saacadihii ugu dambeeyey ku baahay qoraallo ay dad badan faafiyeen oo ku saabsan khayrka ku jira habeenka Laylatul Qadriga kaas oo ay inta badan dadka qoraallada soo dhigay ay xigteen Imaamka Masaajidka Barakaysan ee Makkah, Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi.

Nuxurka farriinta baahday ayaa ahayd “in ka faa’iidaysiga habeenkan barakaysan uu ruux kasta u heli karo si gaar ah.”

Maamulka masajidada barakaysakan ayaa beeniyey farriinta la faafiyey ee loo tiiriyey Sheekha iyagoo qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee ‘Inside the Haramain’ lagu sheegay inaysan sal iyo raad toona lahayn arrintaasi.

“Farriinta baahday ee baraha bulshada lagu faafiyay oo lala xiriiriyay Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi oo ku saabsan 10-ka dambe ee Ramadaan waa khalad iyo mid sumcad dil ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here