Ciidanka Booliska Baydhabo Oo Lagu Amray in ay xirtaan Dareeska loogu talagalay

0
52

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Si loo xoojiyo nabad galiyada bulshada ku nool goboka Baay gaar ahaan magaalada Baydhabo ayaa ciidanka Booliska gobolka Baay waxaa la faray in ay ka shaqeyaan arimaha nabad galiyada iyo wanaajinta xiriirka kala dhaxeeyo bulshada taasi oo sahleysa in xogog badan ay isla wadagaan bulshada iyo Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gashanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan oo kahadlaayay nabad galiyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu soo saaray amaro ku aadan sidii ay u xoojin lahayeen ilaalinta nabad galiyasha bulshada asigoona sidoo kale sheegay in ciidanka Booliska looga baahan yahay marka hore in ay ilaaliyaan nadaamka iyo sharafta uu leeyahay dareeska Booliska Askarigii wadana talaabo laga qaadi doono.

Warkung waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here