Haaland Oo Taariikh Ka Sameeyay FA Cup-ka.

0
88

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Haaland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kala soo laabtay dhaawaca isaga oo wacdaro ka dhigay goolka hortiisa isaga oo dhaliyay 3 gool 6 kulan oo uu ciyaaray 2024 laakiin taas ayaa is badashay.

Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 5 gool kulankii ay Man City 6/2 kaga badisay Luton kulan ka tirsanaa wareega 5-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Xiddiga Haaland ayaa furay gool dhalinta kaliya 3 daqiiqo isaga oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Haaland ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee abid shan gool dhaliyay hal kulan oo Champions League ah iyo hal kulan oo FA Cup ah.

Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay markii 2-aad xirfadiisa 5 gool kulan kaliya isaga oo sidaas horay u sameeyay kulan champions League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here