Rasmus Hojlund Oo Taariikh Ka Sameeyay Premier Leugue Kadib Labadii Gool Ee Luton.

0
83

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Rasmus Hojlund qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa sii wata isaga oo 2 gool dhaliyay kulankii ay United ka badisay Luton kulan ka tirsanaa premier League.

Xiddiag 21 jirka ah ayaan wakhti badan u baahan si uu u furo goolasha Red Devils isaga oo daqiiqadii 3-aad dhaliyay goolka furitaanka kooxdiisa.

Xiddiga reer Denmark ayaa mar kale dhaliyay goolka 2-aad waxana uu dhaliyay goolkiisii 6-aad ee horyaalka premier League.

Kadib markii uu sidaas sameeyay waxa uu noqday xiddiga ugu da’da yar ee taariikhda Premier League dhaliyay 6 kulan oo xidhiidh ah isaga oo jira 21 sano iyo 14 maalin.

Taasi waxay jabisay rikoorkii uu haystay xiddiga Newcastle Joe Willock kaasoo rikoodhka dhigay bilihii April ilaa May 2021 21 sano iyo 272 maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here