Dhalinyarada Barakacayaasha Baydhabo Oo dalbadey in Shaqa Abuur loo Sameeyo

0
77

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Marka ay dhacaan Masiibooyinka Dabiiciga ayaa waxaa ka dhasha dhibaatooyin fara badan oo siyaaba kala duwan Bulshada Saameyn uga reebta,hadana marka aad joogto Soomaaliya aad ayay u adagtahay in si fudud uga soo kabatid saameyntaas maadama Itaalka Dowlada iyo Bulshadaba uu yahay mid iska liita.

Fatahaadihii iyo daadadkii ku soo rogmadeen qeybo badan oo kamid ah dalka ayay dhibaatooyin ka dhasheen gaar ahaan Magaalada Baydhabo waxa saameyn adag soo wajahdey dhalinyarada iyo Xoogsatada ku nool Xeryaha Barakacayaasha kuwaas oo hada wajahaya shaqa la,aan inta badan qalabkii ay heysteen oo daadku ka qaadey aysan awoodin in ay iibsadaan sidoo kalana ay yaraatey shaqooyinkii ay maalga loogu yeeri jirey taasna sabab u noqotey in qoysaskooda ay dareemaan Culeys dhanka Nolosha ah.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mahamed Nor War;ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here