Liverpool Oo Maamuus Weyn U Sameyneysa Jurgen Klopp

0
79

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Jurgen Klopp ayaa lagu maamusayaa in taalo looga dhiso garoonka Anfield ka dib markii uu ka dhawaaqay inuu isaga tagayo shaqada tababare ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ka dib sagaal sannadood oo koobab u qaaday kooxda, Klopp ayaa ka yaabiyay dunida kubada cagta maanta oo Jimce ah markii uu xaqiijiyay bixitaankiisa lama filaanka ah.

56 jirkaan ayaa sheegay in go’aankiisa uu la xiriiro inay ka dhamaatay tamartii uu Liverpool ugu hogaamiyay Champions League, Premier League, FA Cup, Carabao Cup iyo Club World Cup.

“Waan ogahay inaan shaqadaan sameyn karin marba marka ku xigta” ayuu yiri.

Ka dib markii uu faafay warka ku saaban bixitaankiisa, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Liverpool ay ku maamuuseyso Klopp taalo looga dhisayo Anfield madaama uu ku dhawaad 10 sannadood kooxda wax weyn u qabtay.

Halyeeyada Liverpool Bill Shankly iyo Bob Paisley ayaa durbaba taalooyin ku leh banaanka Anfield, taageerayaasha ayaana haatan dalbanaya in Klopp isna lagu darro liiskaas.

Taageere ayaa yiri: “Jurgen Klopp wuu ka tagayaa Liverpool. Kooxdeena ma soo mari doono tababare isaga la mid ah. Waan ku xiisi doonaa Jurgen. Waxaad tahay Scouse sideena oo kale ah. Taalo ha loo dhiso.”

Mid kale ayaa soo qoray: “Waxba igama gelin waxa ay dadku yiraahdaan, Jurgen Klopp wuxuu u baahan yahay taalo banaanka garoonka ah. Waa tababarihii ugu weynaa ee Liverpool ee aan abid arko. Shanks iyo Paisley mar walba waxay ahaan doonaan halyeeyada Liverpool, laakiin waqtigoodii ma aanan joogin.”

Mid seddexaad ayaa yiri: “Sida ugu dhakhsiyaha badan ee taalo loogu dhiso karo Jurgen Klopp waa sidee?”

Klopp ayay u badan tahay inuu taalo ka heli doono Liverpool oo aan weli taalo u dhisin kabtankoodii ugu weynaa abid Steven Gerrard oo ciyaaraha xilli hore ka fariistay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here