Xulka Hirshabeelle oo gaaray Finalka Tartanka maamul goboleedyada iyo Gobalka Banaadir

0
66

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)-Xulka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa Iska xaadiriyey Final ka tartanka maamul goboleedyada iyo gobalka Banaadir kadib markii ay goal ku laad 5-4 kaga adkaadeen Xulka Jubbaland.

Kulan ciyaareedkaan ayaa ahaa mid xiiso badan oo ay labada Xul soo bandhigeen qaab ciyaareed islamarkaan sagaashanka daqiiqo kusoo idlaatay barbar eber iyo eber balse waxaa la aaday rigoolayaal taasi oo u suurto gelisay Xulka Hirshabbeele in ay u gudbaan Final-ka ciyaarta.

Hirshabeelle ayaa sugi doonta Banaadir iyo Galmudug tii soo baxda Berri.

Maddaxweyne Guudlaawe ayaa u hambalyeeyey ciyaartooyda Xulka Hirshabbeele isaga oo sheegay in Xulkiisa ay ka soo baxeen balantii ay ku wada galeen Magaalada muqdisho isagana uu ka farxi doono dhamaan Ciyaartooyda & Maamulkoodaba isagoo intaasi raaciyay in uu koobka u rajeynaayo ineey ku guleystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here