Waa Maxay Sababta Uu Messi Ugu Guulaystay Abaalmarinta “The Best”

0
85

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Inter Miami ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee “The Best”.

Messi ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland kaas oo aan wacdaro yar shidin.

Xiddiga Lionel Messi ayaa loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican adduunka inkasta oo ay labada xiddig isku dhibaco ahaayeen.

Labada xiddig ayaa helay min 48 dhibcood tartanka abaalmarinta laakiin Messi ayaa loo doortay xiddiga ugu fiican adduunka sanadka 2023.

Sababta Lionel Messi ugu guulaystay abaalmarinta ayaa ah in la eegay tirada codadka kaalinta 1-aad ee uu helay Messi.

Messi ayaa helay codad kaalinta 1-aad ah oo ka badan xiddiga Haaland taas ayaana keenays in uu Messi ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican.

Xeerka 12-aad ee FIFA ayaa sheegaya in hadii ay labada xiddig isku dhibco noqdaan tartanka abaalmarinta in la qiimayn doono xiddiga hela dhibcaha ugu badan ee codaynta kaalinta 1-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here