Xulka Qaranka Ghana Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulmay Cape Verde.

0
53

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulka Qaranka Ghana ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulmay xulka Cape Verde kulan ka tirsanaa wareega Group-yada koobka Africa.

Xulka Cape Verde ayaa ahaa xulka Fiican iyaga oo ka awood badnaa xulka Ghana waxana ay samaynayeen fursado cajiib ah.

Daqiiqadii 17-aad ayuu xulka Cape Verde dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Jamiro Monteiro kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Copa Verde ayaa sameeyay fursado badan laakiin nasiib uma yeelan in ay gool u badalaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada xul ku doonayeen in uu mid walba gool ku dhaliyo.

Qaybtii dambe ayuu xulka Ghana bilaabay in uu raadiyo goolka bar-baraha xili xulka Cape Verde raadinayaan goolal ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 56-aad ayuu xulka Ghana dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Alexander Djiku kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Daqiiqadii 90+1-aad ayuu xulka Cape Verde dhaliyay goolka guusha waxana u dhaliyay xiddiga Garry Rodrigues kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay xulka Cape Verde oo garaacay xulka Ghana isla markaas gaadhay guul muhiim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here