Hordhac:- Arsenal Vs Liverpool

0
99

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulanka ugu xiisaha badan FA Cup-ka xilli ciyaareedkan ayaa dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Liverpool kulan ka dhici doona Emirates.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo aad u doonaya in ay la heshiiyaan taageerayaashooda iyaga oo doonaya in ay ka soo laabtaan guuldarooyinkii xidhiidhka ahaa.

Dhinaca kale Liverpool ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee tartamada oo dhan isla markaas sii wado tartanka FA Cup-ka.

Kulanka: Arsenal Vs Liverpool

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Emirates

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tan ilaa markii ay guuldaro kala kulmeen final-kii 2001 ee Cardiff, Arsenal ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Liverpool.

Kaliya Man United (10) ayaa Liverpool kaga badan reebista Arsenal tartanka FA Cup (8) si kasta ha ahaatee Man United (8) ayaa Arsenal kaga badan reebista Liverpool tartanka (5).

Arsenal ayaa laga badiyay kaliya 3 ka mid ah 49-kii kulan ee ay garoonkooda ku ciyaareen tartanka FA Cup iyada oo markii ugu dambaysay guuldaro kala kulantay United 2018/2019.

Liverpool ayaa kaliya laga reebay tartanka FA cup-ka wareegan hal mar 12-Kii sano ee ugu dambeeyay markaasna waxa ay ahayd kulan dhacay 2018/2019 iyaga oo guuldaro kala kulmay Wolves.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here