Kooxaha Aan Ilaa Hataan Guuldaro Kala Kulmin Garoonkooda 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn.

0
86

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo la gaadhay bartamihii xilli ciyaareedka.

Kulamada horyaalka ayaa la ciyaaraa kulamo Minin iyo marti ah waxana jira kooxo aan wali gurigooda ama garoonkooda looga badin.

Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa kooxaha aan wali wax guuldaro ah kala kulmin garoonkooda horyaalada waaweyn ee qaarada.

Liverpool:

Kooxda Liverpool aya ciyaartay 9 kulan oo garoonkeeda ah ilaa haatan sida Arsenal waxa ay badisay 2 kulan waxana ay bar-baro gashay 2 kulan.

Aston Villa:

Kooxda Aston Villa ayaa ah kooxda ugu fiican garoonkeeda premier League iyaga oo 9 kulan ciyaaray isla markaas badiyay 8 kulan hal kulana bar-baro galay.

Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa 8 kulan ku ciyaartay garoonkeeda horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxana ay badisay 7 kulan halka ay kulanka kale bar-baro gashay.

Atletico Madrid:

Kooxda Atletico ayaa ciyaartay 10 kulan oo garoonkeeda ah waxana ay badisay 9 kulan halka ay kulan kale bar-baro gashay.

Juventus:

Kooxda Juventus ayaa ciyaartay 8 kulan garoonkeeda ah waxana ay badisay 6 kulan halka ay kulan kale bar-baro gashay.

Bayer Leverkusen:

Kooxda Mucjisada Bundesliga xilli ciyaareedkan ayaa garoonkeeda ku ciyaartay 9 kulan waxana ay badisay 8 kulan halka ay kulanka kale bar-baro gashay.

Bayern Munich:

Kooxda Thomas Tuchel ayaa ciyaartay 7 kulan oo garoonkeeda ah waxana ay badisay 6 kulan halka ay kulanka kale bar-baro gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here