Hordhac: Liverpool Vs Arsenal.

0
61

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Arsenal horyaalka premier League.

Liverpool iyo Arsenal ayaa isku baacsanaya hogaanka horyaalka premier League iyada oo ayna dhibcuhu u qaybsamin labada kooxood.

Kulanka: Liverpool Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin 10 kulan oo ay garoonkeeda kula ciyaartay horyaalka Premier League kooxda Arsenal,waxana ay badisay 7 kulan halka ay barbaro gashay 3 kulan.

Gunners ma aysan ilaashan shabaqeeda mid ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka, waxaana laga dhaliyay 43 gool mudadaas.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 100-aad ee ay Liverpool ku ciyaarta gurigeeda kula ciyaarto Arsenal.

Liverpool ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 50-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonka Anfield, halka aan laga badinin 20kii kulan ee ugu dambeeyay.

Arsenal ayaa badisay 7 ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan hal bar-baro ayay gashay halka kulanka kalena laga badiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here