Maamulka KG Oo dalbadey in Jaamacada Umada ay Xaruumo ka Furato Deeganada KG.

0
51

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Jaamacada Umada ayaa laga hirgeliyey Magaalooyin ka baxsan Muqdisho balse Deeganada KG ayaan ilaa hada wax xarun ah ka furan,waxayna Ardeyda ka baxda Dugsiga sare ay yihiin kuwa marwalba baahi weyn u qaba in loo soo dhaweeye si ay uga faaideystaan Fursadaha Waxbarasho ay bixiso.

Madaxweynaha KG Abdiasiis Hassan Mahamed Lafta-gareen oo ka hadlaayey Horumarinta Waxbarashada Ardeyda ayaa Wasaarada Ka dalbadey in Jaamacada umada la keeno Deeganada Maamulka sida Baydhabo Gobolka Baay,Xudur Gobolka Bokool iyo Marka Gobolka Shabeelaha iyadoona lagu saleynayo kuliyadaha ay bixin doonto kuwa deegaanka baahi weyn u qabaan sida Beeraha Xoolaha Kalluumeysiga iyo Xirfadaha kale dhalinyarada muhiimka u ah

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here