Aabe baahiyaha gaarka qaba ku nool Baydhabo Oo Deeq Raashiin ah la gaarsiiyey

0
74

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Labo bilood oo raashiin ah ayaa la gaarsiyay Aabe Maxamed Axmed Cali (Mad Baagay) iyo qoyskiisa oo ku nool kaam kamid ah kuwa ku yaala magaalada Baydhabo iyadoona maalin ka hor warbixin ka hadlaysa xaaladda ay ku nool yihiin qoyskaani ka sii daynay Warbaahinta Arlaadi Raadiyow ee magaalada Baydhabo.

Qoyskaani ayaa waxaa deeqdaan raashiinka ah oo ka kooban noocyadooda kala duwan ayaa waxaa soo gaarsiyay qof muxsin ah oo codsaday in magaciisa warbaahinta laga sheegin ayaa wuxuu u soo wakiishay maamulka Ururka horumarinta degaanka Dedo oo hogaaminaayo guddoomiye Maxamed Abuukar (Tacjiib).

Isniino Isaaq oo ah xaaska Maxamed Axmed Cali ayaa ka warbixisay raashiinka la soo gaarsiyay iyo waxyaabaha ay is kugu jiraan waxayna mahadcelin u jeedisay qofkii soo dhiibtay iyo walaalaha kale ee gacanta ka geysteen.

Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here